Wasaaradda oo kaashaneysa dowlad goboleedyada dalka, kana duulaysa baahinta iyo daadejinta awoodaha iyo adeegga, waxaa la dardargeliyay dhismaha goleyaasha deegaanka si dadka loogu dhoweeyo adeegga dowladnimada.
Si loo adkeeyo xiriirka heerarka kala duwan ee dowladda federaalka ah, dowlad goboleedyada iyo dhammaan heerar kale ee dowladda, Wasaaradda iyo hoogaankeedu waxaa ay qeybweyn ku lahaayeen ajendeyaasha shirarka Golaha Madasha Wadatashiga Qaran.
Si loo dardargeliyo howlaha Wasaaradda, Wasaaraddu waxaa ay abuurtay jawi wadashaqeyn iyo is aaminaad oo dhexmara iyada, hey’adaha iyo saaxiibada caalamiga ah. Kulamo kala duwan oo labada dhinac ay yeesheen oo loogu qareemayay in maalgelin iyo dhaqaale loogu helo howlaha baaxadda leh ee Wasaaraddu hoggaanka u tahay
Waxaa xusid mudan in heshiiskii golaha wadatashiga qaran lagu gaaray go’aanno la xiirira asteynta awoodaha waxaana loogu kala qeybiyay awoodaha saddexda heer oo dowladda ah
Si dalka looga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah wasaaraddu waxa ay diyaarisay xulashooyin ku aadan jiheynta nidaamka doorashooyinka Dalka, iyadoo u fududeysay Golaha Wadatashiga Qaran in ay gaaraan heshiis taariikhi ah oo lagu hiigsanayo dhaqangelinta doorasho guud oo ka dhacda dalka oo dhan kadib muddo haatan laga joogo ku dhawaad 56 sano.
Wasaaraddu waxa ay Dib-u-eegis ku sameysay istiraatijiyada Qaran ee Xasilinta iyada oo la tashi la sameysay dhamaan hay’adaha ku shaqada leh arrimaha Xasillinta oo ay ugu horeeyaan Hay’adaha Dowladda Federalka, Dowlad Goboleedyada, Maamulka, Gobolka Banaadir, Qeybaha Bulshada iyo Hay’adaha iyo Deeqbixiyeyaasha daneeya howlaha xasilinta.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta waxay ku guuleystay in dib u eegista lagu sameysay siyaasadaha iyo istaraatiijiyooyin kala duwan.
Waxaa ay Wasaaraddu ku guuleystay adkaynta xiriirka daneeyayaasha dad-dhigista iyo tirakoobka xaaladaha madaniga ah iyadoo la raacayo sida ku cad siyaasadda qaran ee Dad-dhigista iyo tirakoobka xaaladaha madaniga ah.
HDQ waa siyaasad, istraatiijiyad iyo habraac la isku raacsan yahay oo ay wasaaraddu ku shaqeyneysay 5tii sano ee lasoo dhaafay, wuxuuna gun-dhig iyo hage u ahaa dadaalada dhab-u-heshiin qaran.
Waxaa dadaal badan lagu bixiyay sidii loo banyan lahaay Xarunta wasaarada Arrimaha Gudaha taas oo ku soo dhamaatay guul, sidoo kale waxaa loo diyaar garoobay dhismaha xarunta cusub ee Wasaaradda kaas oo ku soo dhamaan doono mudo kooban.