Waberi, Mogadishu-Somalia
Sabti - Kham 8.00 - 16.30. Jimco Fasax
Nagal Soco:

WAXQABADKA HAY'ADDA NCRI

NCRI

Waxqabadka Hay'adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliyeed (NCRI) 2022 - 2024

Hay'ada qaxootiga iyo barakacayaasha Qaranka (NCRI) waxa uu waajibaadkeeda yahay ka shaqaynta iyo isku xirka hawlaha loogu talagalay gargaar-sugayaasha, dejinta istiraatiijyado iyadoo lala kaashanayo daneeyaasha qaran iyo kuwa caalamiga hirgelinta xal waara ku matalida dowladda ee wadahadallada farsamo, xaqiijinta dokumentiyada qaran, abuuridda barnaamijyada dib-u-dejin, is dhexgal bulsho, raadinta deeqaha iyo kaalmooyinka loogu talagalay gargaar-sugayaasha iyadoo la ilaalinayo xaquuqda insaanka ee caalamiga ah.

1. Diiwaangelinta
2. Istaraatiijiyadda Cusub
3. Hagida iyo Wacyigelinta Bulshada
4. Ballanqaadyada Madasha Qaxootiga Adduunka ee Dowladda
Soomaaliya (GRF Pledges)
5. Sharciyadda

Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka waxaa ay ku guulaysatay gaarsiinta adeegyo waxtar u leh Qaxootiga, Maggangalyo-Doonka, Barakacayaasha iyo Dadka soo Guryo noqday kuwaas oo isugu jira Diiwaangalin iyo Taakuleyn.

Hay’addu waxa ay diiwaangalisay in ka badan 970kun oo qof, kuwaas oo isugu jira Qaxootiga, Maggangalyo- Doonka, Barakacayaasha iyo Dadka soo Guryo noqday.

Si looga dhabeeyo hirgalinta howlahan waxaa ay Hay’addu sameesay wadatashiyo Lagu dhisayo Istaraatiijiyadda, kuwaas oo lagu saleenayo soojeedinta dhammaan Hay’adaha kula mataaneysan shaqooyinka Hay’adda.

Hay’addu waxaa ay ku guuleysatay hal-abuuridda iyo hindisidda Qorsha Qaran ee Istaraatiijiyadda Illaalinta, Taakuleynta, iyo Xalka-waara ee Qaxootiga, Maggangalyo doonka, Barakacayaasha, iyo Dadka soo guryo noqday.

Hay'adda waxaa ka go'an ka miradhalinta qorshayaasha iyo yoolka u dagsan, waxayna ku kalsoontahay xaqiijinta yoolalkaas iyadoo la kaashanaysaa Hay'adaha dowladda iyo daneeyeyaasha kale. Sidoo kale Hay'addu waxay dar-dar galinaysaa diiwaan galinta muwaadiniinta iyadoo u qorshaysan tahay in la helo aqoonsi qaran oo sugan.

Halkaan Hoose kala dag waxqabadka Hay'adda NCRI