Waberi, Mogadishu-Somalia
Sabti - Kham 8.00 - 16.30. Jimco Fasax
Nagal Soco:

WAXQABADKA HAY'ADDA NIRA

NIRA

Waxqabadka Ha'ayadda Qaran Ee Diiwaangelinta Dadweynaha ee 2022-2024

Hay'adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaran waxay bilowday inay diyaariso nidaam aqoonsi qaran (Somali Na­tional Identity System - SNIDS) kaas oo loogu talo galay in lagu maareeyo nidaam aqoonsi oo asaasi ah, oo suurtag­alinaya in qof kasta oo muwaadin ama sifo sharci ah ku deggan dalka ama qaxooti ku ah JFS, iyadoo la siiyo tirsi aqoonsi u gaar ah, iyo kaar aqoonsi.

Si waafaqsan qodobka 8-aad ee sharciga aqoonsiga iyo diiwaangelinta dadweynaha, hay'addu waxay diyaarisay, qalabaysay, isla markaasna howlgalisay xarun xogdhigis oo ay iyadu maamusho, taas oo lagu kaydinayo xogta dadweynaha ee la uruuriyey, nidaamka aqoonsiga qaran (SNIDS) iyo nidaamyada danabaysan oo iyadu ay dhistay ama horumarisay.

Sidoo kale waxay Hay'adda furtay xarumo diiwaan galin kuwaas oo loo as­teeyay in muwaadiniinta ku nool gobolka Banadir ka helaan xarumo diiwaan galin kuwaas ay ka heli karaan adeega aqoonsiga qaran. Waxaa la furay 4 xarumood (Yaqshid, Shangani, Wadajir, iyo Hawl-wadaag). NIRA.

A- Dib- u eegista iyo diyaarinta Sharciga Hay'adda lagu aas aasay {L.R 009)
B- Diyaarinta xeerarka/Qorshayaal lafdhabarka u ah shaqadda hay'adda oo ay kamid yihiin:

  1. Xeer-Nidaamiyaha Jaangoynta Khidmadda Adeegyada Aqoonsiga Qaran Xeer-nidaamiyaha 9 Hannaanka Fulinta Diiwaangelinta Aqoonsiga Qaran Xeernidaamiyaha Dhawrista Xogta
  2. Xeernimaayiha khidmad dhaafka
  3. Hab-Dhaqanka Howlwadeennada (Code of Conduct)
  4. Qorshaha lstiraatijiyadda Hay'adda ee 2023-2026
  5. lstiraatijiyadda Fulinta Diiwaangelinta Aqoonsiga Qaran (Operationalization Strategy) lstiraati-9 jyadda war-faafinta (Communication Strategy) ee Aqoonsiga Qaran
  6. Qorshaha ka qayb galka iyo howlgalinta daneeyeyaasha (Stakeholder engagement plan) Qor-9 shaha maaraynta Khataraha (Risk Management Plan)
  7. Habraacyada korjoogtaynta, qiimaynta iyo suggida tayada adeeg bixinta iyo
  8. Shuruucda iyo xeer-nidaamiyeyasha kale ee la xiriira waajibaadka hay'adda.

A Shaqaaleysiinta xirfad layaal leh aqoon iyo khibrad la-xariirta shaqadda Hay'adda.
B Aqoon isweydaarsi dibadda. (Pakistan, South Africa, Ethiopia, Kenya Iyo Malawi).
C Dhaarinta dhammaan shaqalaha hay'ada ee u xilsaaran qabashada Maamulka iyo llaalinta xogta

dadweynaha, waxaana qofkasta laga saxiixay heshiiska llaalinta Xogta.

A Kireynta iyo Qalabaynta Xarunta dhaxe ee Hay'adda
iibinta iyo diyaarinta qalabkii diiwaangelinta
B Lasoo wareegidda systemka aqoonsiga qaran
C Diiwaan Galinta muwaadiniinta oo ah 38149 qof

Diyaarinta adeega verification {HUBIYE) Certificate Delivery System {CDS), Data Access Gate way {DAG), E-Aqoonsi {also known
as Mobile Digal ID).

 

Daahfurka Aqoonsiga Qaran iyo qabashadda shirkii koowaad ee Aqoonsiga
16-17 Sept, oo kasoo qaybgaleen 650 qof oo ka kala socda Hay'addaha Dowladda, Ganacsatadda, Hay'addaha Caalamiga ah iyo Safaradaha Wadanka dagan.

Diyaarinta Xarumo ka baxsan Caasumada, gaar ahaan maamul gobleedyada kala ah Jubaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, oo laga hirgaliyay midiiba hal xarun oo diiwaan galin.

A. Abuurida xariir wadashaqeyn ee ka dhaxeeya hay'adda NIRA iyo hay'addaha kale ee dowladda, Ganacsatadda, Sida Bangiyada, Xawaladaha, Shirkadaha isgaarsiinta iyo Hay'adaha kale ee Adeega bixiya j. Dhisida xariir togan ee kadhaxeeya hay'adda NIRA iyo hay'adda caalamiga ah

Hay'adda waxaa ka go'an ka miradhalinta qorshayaasha iyo yoolka u dagsan, waxayna ku kalsoontahay xaqiijinta yoolalkaas iyadoo la kaashanaysaa Hay'adaha dowladda iyo daneeyeyaasha kale. Sidoo kale Hay'addu waxay dar-dar galinaysaa diiwaan galinta muwaadiniinta iyadoo u qorshaysan tahay in la helo aqoonsi qaran oo sugan.

Halkaan Hoose kala dag waxqabadka Hay'adda NIRA